Xamza oo shir deg deg ah isugu yeeray Golaha Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir deg deg ah ayaa caawa la isugu yeeray Golaha Wasiirada cusub, ayada goor sii horeysay Wasiirada loo diray fariin wargelin ah si ay kulanka usoo xaadiraan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qorshaha ayaa markii hore ahaa in Golaha Wasiirada cusub shirkooda ugu horeeyay ay yeeshaan maalinta Khamiista, waxaana lagu wada in shirkaan ay kasoo bixi doonaan go’aamo cusub.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo shirka caawa in xilalka looga qaado qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada, ayada oo xafiiska madaxweynaha uu billaabay qorshe dib loogu soo celinayo Saraakiil dowladdii hore ka xayuubisay darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidanimo.

Shirka caawa ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee yeeshaan Golaha Wasiirada cusub, kaddib markii maalmo ka hor soo dhamaatay munaasabadihii xil-wareejinta wasiiradda.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa 2-dii bishaan ku dhawaaqay liiska Golaha Wasiirada xukuumaddiisa ee muddada la sugayey.

Golahaan ayaa ka kooban 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo 24 wasiiru-dowle iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeen. Sidoo kale waxa haween ka ah saddex gabdhood, laakiin waxaa gabdho badan ku jiraan wasiiru-dowlayaasha.

Xamza oo xukuumadiisa cusub ugu magac daray Dan-Qaran, ayaa waxaa laga sugaya dardar-gelinta barnaamijka xukuumada iyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla, gaar ahaan arrimaha amniga iyo wax ka qabashada xaalada abaareed ee dalka.