Taliska NISA ee Gedo iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo gaaray is-afgarad muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabadsugida gobolka Gedo, Cabdiraxmaan Kooke ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka xoojinta amniga iyo iskaashiga nabad-galyada deegaanada xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirka oo qeyb ka ahaayeen qaar kamid ah Saraakiisha howl-galka ATMIS ee ka socda Itoobiya iyo taliyayaasha laamaha amniga Doolow, Dollo-Addo, Bohol-garas, Gedweyne Qoneey ayaa diirada lagu saaray amniga guud ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Gedo uu la leeyahay dowlad deegaanka Soomaalida.

Dhinacyada ayaa shirkaan ku gaaray is-afgarad, ayaga oo isla qaatay in shir amni la yeesho labadii toddobaad hal mar.

Sidoo kale waxay isla qaateen in la sameeyo guddiyo isku dhaf ah oo xaliya khilaafka wali ka taagan deegaanada Koorey iyo Bohol-garas, sida ay xaqiijiyeen ilo ka ag dhow shirkaan.

Ugu dambeyntiina waxay saraakiishu tilmaameen inay muhiim tahay in xiriir joogta ah laga yeesho arrimaha amniga xaduudka, si looga hortago khatarta amni ee imaan karta.

Tan iyo markii ay Al-Shabaab gudaha u gashay deegaanada xuduuda ee dowlad deegaanka Soomaalida, waxaa socday shirar labada dal ah oo looga hortagayo duulaanada argagixisada iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.