Madaxweyne Xasan oo aqbalay kulan dadweyne kahor sanad-guuradiisa 1-aad

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay aqbalay inuu si toos ah uga qeyb-galo kulan dadweyne, xilli ay maalmo ka dhiman tahay sanad-guuradii 1-aad ee kasoo wareegtay dib u doorashadiisa 15-kii May ee 2022-ka.

Barnaamij-kan oo sida muuqata ay soo qaban-qaabisay Madaxtooyada Soomaaliya, uuna daadihinayo Maxamed Xaraare ayaa waxay bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah su’aalo ugu weydiin doonaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa maanta galinka dambe magaalada Muqdisho kaga qeyb-galaya barnaamijkan kulan dadweyne oo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka jawaabi doona su’aallaha ay qaban shacabka Soomaaliyeed iyo cabashooyinkii laga muujiyey dowladda uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Xasan ayaa inta madashani socoto wuxuu dadweynaha Soomaaliyeed la wadaagi doonaa guullaha iyo horumarada laga sameeyey furimaha dagaalka inta uu socday halganka deegaanada dalka goobaha ay kaga sugan yihiin khawaarijtu looga xoraynayo.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu madashaan kusoo bandhigi doona “guud ahaan wixii u qabsoomay muddada sanadka ah ee uu hayey talada dalka.”

Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyaguna madaxweynaha waydiin doona su’aalo toos ah, kuwaas oo ku qotoma hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya iyo halganka dib u xoraynta oo galay wejigii labaad.

Dadweynaha ayaa waxay sidoo kale su’aalahooda uga dhiiban karaan kulankaan habka fogaan araga Online-ka ama qoraal, kaasi oo ay ku gudbinayaan mareeg ay soo bandhigtay warbaahinta dowladda.

Si kastaba, Kulankan dadweyne oo ah mid noociisa u horreeyay ee Soomaaliya, ayaa lagu macneeyay mid qaadaya xayn-daabka u dhaxeeya madaxda sare iyo bulshada Soomaaliyeed.