Itoobiya oo ciidamo cusub usoo tababartay Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ay markii ugu horreysay tababar siisay ciidamo cusub oo ka mid noqonaya kuwa Xoogga dalka, kuwaas oo haatan soo dhameystay tababarkooda, kuna soo laabtay Soomaaliya.

Warbaahinta gudaha ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadan uu todobaadkii hore u dhammaaday tababarkooda, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab.

Ma shaacin warbaahinta tirada askartan loo soo tababaray Soomaaliya, balse waxa ay sii daysay sawirradooda, ayaga oo ku sugan xerada.

Waa qaybtii ugu horreysay ciidamo ay Itoobiya usoo tababartay Soomaaliya, tan iyo markii ay iskaashi amni oo saddex geesood ah kala saxiixdeen dowladaha Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Ciidamada qalabka sida ee haatan tababarka kusoo qaatay dalka Itoobiya ayaa ka qayb qaadan doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo horkaceyso duulaanka ka dhanka ah Shabaab ayaa horay u sheegtay in dagaalkan a y ku soo biiri doonaan waddamada dariska oo la’isku yiraahdo dalalka safka hore.

Itoobiya ayaa qayb ka ah dagaalka kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo badan ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku jira howlgalka ATMIS.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaas oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh oo todobaadkii hore Kampala uga qaybgalay shir ay yeesheen waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kaas oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha kala guurka ee howlgalka Midowga Afrika, ATMIS.