Madaxweyne Xasan oo balan-qaadkiisa 4 sano kahor ka laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo goor sii horeysay sheegay inuu khalad u arko in Madaxweyne xilka ka dagay uu mar kale dib isku soo sharaxo, ayaa haddana sheegay inuu mudan yahay in mar kale uu xilka isku soo taago, isaga oo sheegay inay jiraan howlo qabyo u ah oo uu dhameystiraayo.

Madaxweyne Xassan oo wareysiyo kala duwan siiyay Telefeshinada Universal iyo HCTV, ayaa isku beeniyay, waxa uuna midi ku sheegay in mar kale uusan isa soo sharaxi doonin, halka wareysiga kale uu ku sheegay inuu yahay Musharax u taagan qabashada kursiga ugu sareeya dalka.

Madaxweyne Xassan oo siyaasada dalka kusoo biiray billo ka hor inta uusan xilka qaban ayaa waxa uu iminka u muuqdaa in mar kale uu qaban doono Madaxtinimada dalka, taa oo daliil u ah qaababka kala duwan oo uu u adeegsanaayo Siyaasaddiisa gaar ah.

Madaxweyne Xassan waxa uu inta badan dadka ku xeel-dheer Siyaasada ka dhaadhicinayaa in shaqsi ahaantiisa uu yahay midka mudan in mar kale looga danbeeyo Siyaasada dalka, waxa uuna iminka ololo xoogan ugu jiraa sidii uu kusoo laaban lahaa.

Wareysigii ugu horeeyay waxa uu ku celcelshay inaanu suuragal aheyn in mar kale uu isu soo taago xilka Madaxweynenimo, halka kan labaad uu ku muujiyay inuu mudan yahay in mar kale la doorto.

Xassan Sheekh hadaladaasi kadib waxa uu siyaabo kala duwan dhowr xaflad uga sheegay in dalka Somalia uu u baahan yahay Madaxweyne aan baahneyn si aysan u dhicin xadgudub.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa iminka garab Siyaasadeed u ah dowlado dhowr ah oo Siyaasad ahaan ka dhexmuuqda Siyaasada Somalia kuwaasi oo ololo ugu jira sida uu mar kale kusoo laaban lahaa Xassan Sheekh.

Sidoo kale, waxa uu garab ka heystaa Shaqsiyaad miisaan ku dhex leh siyaasada Somalia kuna jira dowlada iminka uu isaga hogaamiyo, sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo Mas’uuliyiin kale oo qarsoon.

Madaxweynuhu waxaa iminka u cad in mar kale uu gacanta ku dhigo kursiga ugu sareeya dalka isaga oo doonaaya inuu dhameystiro howlaha qabyada u ah, walow aan arrinkaasi la xaqiijinkarin.

Dowladaha uu garabka ka heysto ayaa isugu jira kuwo kala dhacay Yurubta, Asia iyo Africa, waana tan sababta u ah inuu laba jibaaro hankiisa Siyaasadde.

Lama saadaalinkaro halka uu Xassan Sheekh cagta dhigi doono, maadaama loolanka ay kula jiraan mas’uuliyiin aan isaga ka liidan marka loo eego dhanka dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com