Xog: Somaliland oo waji-gabax kala kulantay dowladda MASAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar ku sugan wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire.

Wafdigaani oo kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Masar, ayaa waxa ay u gudbiyeen codsi la xiriira sidii ay Masar u aqoonsan lahaayeen Somaliland.

Wasiir Sacad Cali Shire, waxa uu dhigiisa Masar ka dalbaday in dowlada Masar ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland iyadoo aan lagu xujeyn Somalia inteeda kale.

Wasiir Sacad Cali Shire, waxa uu dhigiisa iyo mas’uuliyiinta kale ee uu la kulmay u sheegay in Somaliland Siyaasad ahaa ay aad uga dheereyso Somalia, isla markaana ay heystaan kheyraad ku filan sidaa aawgeedna ay u baahan yihiin in Masar ay dowlad ahaan ula dhaqanto Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar, Dr. Samiix Shukri, ayaa dhankiisa ka cudur daartay inay aqoonsadaan Somaliland, waxa uuna sheegay inay suuragal tahay inay la shaqeeyan misna ay garabsiiyaan balse aysan Somaliland u aqoonsankarin dowlad kamadax-banaan Somalia.

Wasiir Samiix Shukri, waxa uu sheegay in calaaqaadka diblumaasiyeed ee Somalia iyo Masar uu iminka yahay mid aad usoo hagaagaaya sidaa darteedna ay ku adag tahay in si gaar ah ay ula macaamilaan Somalia.

Samiix Shukri, waxa uu tilmaamay in Masar ay awood u leedahay in Somaliland ay ka caawiso wixii dalab ah, balse aysan awood u laheyn inay faragaliyaan Siyaasada Somalia.

Samiix Shukri, waxa uu intaa ku daray in Masar iyo Somalia ay ka dhexeyso calaaqaad hore, sidaa aawgeedna aysan dooneynin inay qeyb ka noqdaan dowladaha ku howlan kala gooygooynta Somalia.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa isla soo hadalqaaday heerka uu iminka marayo Wada-hadaladii u socday Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka Somaliland, kaasi oo soo bilowday sannadkii 2012-kii iyo Xaalladaha Gudaha ee Somaliland.

Wasiir Samiix Shukri, waxa uu dhigiisa Somaliland u sheegay in Masar ay kaalin ka qaadan doonto sida leysugu soo dhaweyn lahaa dowlada Somalia iyo Somaliland.

Dhinaca kale, Qorshaha Somaliland oo ahaa inay guul ka gaaran la kulanka Masar, ayaa iminka waxa ay la kulmeen wajigabax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com