Xog: Lacagtii laga xaday bankiga dhexe iyo doorashada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Dalka Bashiir Ciise Cali uu xaqiijiyay in khasnada Bankiga Dhexe ee Somalia laga xaday lacag dhan $ 530,000, ayaa waxaa soo baxaaya walaac laga qabo in dhaqaalahaasi ay dib u dhac ku keento doorashada Somalia iyo bixinta Mushaaraadka shaqaalaha DFS.

Guddoomiyaha Bankiga ayaa iska fogeeyay eedaha kaga imaanaya dhanka Siyaasiyiinta sida dadban kaga soo horjeeda Siyaasada DFS, waxa uuna marmarsiyo ka dhigtay in arrintaani uu xili hore la socodsiiyay Hay’adaha amaanka sida NISA iyo CID-da, waxa uuna cadeeyay in lacagaha la xaday ay sababikaraan saameyn ku imaada dhanka doorashooyinka.

Saameynta ugu badan ee dhaqaalaha la xaday ayaa noqoneysa mid kusoo beegantay xili inta badan dalka ay ka socdaan diyaar garowga doorashada dalka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS, ayaa sheegay in dhaqaalaha la xaday ay saameyn xoogan ku yeelankarto doorashada la filaayo in dalka ay ka dhacdo, waxa ayna si wada jir ah u sheegen in haddii ay dhacdo dhaqaale yari lagu khasbanaa in dib loogu laabto dhaqaalaha keydka u ah DFS, balse hadda la xaday.

Xildhibaanadu waxa ay carab dhabeen in iminka ay macquul tahay in lacagta la xaday ay saameyn xoogan ku yeelato doorashada, waxa ayna si gaar ah u sheegen in macquul ay tahay in dhaqaalaha loogu tallo galay in lagu maareeyo doorashada ay meel-xun ku go’aan sidaa darteedna aysan jirin keyd loo laabto maadaama dhaqaalaha dhan lala baxay.

Waxa ay tilmaameen inay jiraan walaacyo ay ka muujinayaan in dhaqaalaha doorashada ay meelxun ku go’aan, isla markaana la waayo dhaqaale lagu kabo, marba haddii la xaday dhaqaalihii keydka u ahaa DFS.

Geesta kale, dhaqaalaha la xaday ayaa waxaan wali ka hadal Madaxda Dowladda, taasi oo ay su’aalo ka keenayaan siyaasiyiinta iyo xubanaha Musharixiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com