Xil. Xasan: Dhibka Villa Somalia ay nagu heyso way sii kordhayaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Macallin Maxamuud oo kamid ah Xildhibaanada BFS, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxda ugu sareysa dalka ay si ganbasho la’aan ah u baalmareen sharciyadii u degsanaa dalka.

Xildhibaan Xassan Macallin ayaa sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay ka faa’iideysanayaan wakhtiga kala guurka waxa uuna tallaabo xaaraan ah ku sheegay in Madaxdu ay si xatooyo ah oday dhaqameed cusub ugu siyaadiyaan oday dhaqameedkii hore 135ta ahaa.

”Aamusnaanta badan dhibaato ayay keeneysaa waxaa lama huraan ah in mas’uul waliba amaba shaqsi waliba oo doonaaya nidaam dowladnimo waa inuu ka dhiidhiyaa sharci darrada lagu maamulaayo dalka”

Xildhibaan Xassan Macallin waxa uu cod dheer ku sheegay inuu ka digayo in qaab khaldan loo maro hannaanka doorashooyinka xildhibaanada iyo tan madaxtinimada ee dalka Somalia.

”Haddii ay howshu sida ay hadda tahay kusii socto waxaa dalka ka dhicikara doorasho dhinac gaar ah u janjeerta, waxaa nala haboon ka hortaga dhibaatooyinka cusub ee lagu hayo howlaha doorashooyinka inaan muujino ficilada looga gaashaaman lahaa khaladaadka nalagu saxaayo”

”Maxaa yeelay horay waxaa u taagnaa tuhun ah in guddiga doorashada ay madaxtooyada ka shaqeeyaan, haddana in shakiyo kale la sii abuuro waxaan u aragnaa wax aan u qalmin dalka iyo dadka wakhtigani xasaasiga ah”

Haddalka Xildhibaan Xassan Macallin ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Guddoomiye Jawaari lagu eedeeyay in odayaal dheeri ah ay kusoo biiriyaan Odayaashii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com