Magacyada xildhibaanada iyo wasiirada ku dhaawacmay qaraxa

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya qaraxii maanta ka dhacay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho iyo albaabka VIlla Somalia.

Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in weerarkii ismiidaaminta ahaa ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada weerarka ku dhaawacmay uu ka mid yihiin Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaan Caasho Koos oo ku sugnaa Hoteel SYL ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Jeesow ayaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac adag waxaana lasoo sheegayaa in iminka la geeyay mid kamid ah goobaha Caafimaadka.

Wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga Maxamed Cali Xaggaa ayaa sheegay in isaga iyo labo wasiir oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya ay dhaawacyo fudfudud soo gaareen. Sidoo kale wasiiru dowlaha ayaa sheegay in xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ay dhaawacmeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka mid yahay wasiirada dhaawaca fudud soo gaaray wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye balse si rasmi ah looma xaqiijin dhaawaca soo gaaray wasiir Maareeye,

Dadka dhaawacmay ayaa sidoo kale la sheegay inay ku jiraan Wasiiro kuwaasi oo iyaguna la dhigay goobaha caafimaadka sida ay sheegen dad goobjoogayaal ah.

Xildhibaano farabadan ayaa iminka ku sugan isbitaalka Darushifa oo ay ku jiraan dhaawacyada mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

La soco wararkeena danbe wixii Qaraxa kusoo kordha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com