Sawirro: Madaxweyne Xasan iyo Kenyatta oo laba arrin ka hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Uhurro Kenyatta iyo Madxaweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan khaas ah ku yeeshay Hoteelka ay magaalada Nairobi ka degan yihiin Madaxda Africa iyo Japan ee dalka Kenya u jooga shirka.

Madaxweye Kenyatta iyo Xassan Sheekh ayaa si qoto dheer uga wada hadlay Siyaasadda guud ee Somalia, Amniga iyo Doorashooyinka la filaayo in dhawaan ay ka dhacaan Somalia.

Labada Madaxweyne ayaa markii laga soo tago Siyaasadda guud ee Somalia, waxa ay si gaar ah uga wada hadleen Laba qodob oo kala ah doorashooyinka iyo Amniga magaalada Muqdisho iyo Gibollada ay ka dhici doonaan doorashooyinka labada Aqal.

Madaxweyne Xassan ayaa dhigiisa u faahfaahiyay waxa uga qabsoomay diyaarinta arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga waxa uuna sheegay in Seddex meelood laba meel ay diyaariyeen, halka dhiga soo haray ay iminka faraha kula jiraan.

Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale dhigiisa weydiistay in Kenya ay qeyb ka noqoto dowladaha garabtaagan Somalia gaar ahaan dhanka Amniga, waxaana dalabkaasi aqbalay Madaxweynaha Kenya.

Shirkan ayaa ka mid ahaa shir gaar gaara oo madaxweynaha Kenya uu la yeelanayay madaxda ka qeyb galeysa shir madaxeedka Afrika iyo Japan ee magaalada Nairobi ka socda.
Xasan iyo Kenyata 1

Xasan iyo Kenyata 2

Xasan iyo Kenyata 3