Xisbiyada oo ka hadlay odeyga lagu kordhiyey 135-ka odey

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada dalka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay fara gelin ay sheegeen in Madaxda dowladda ku hayaan Liiska saxda ah ee Odayaasha dhaqanka 135 oday ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha oo saxaafada u aqriyay war saxaafadeed ay soo saareen Isbaheysiga Xisbiyada ayaa sheegay inay diidan yihiin oday dhaqameed la sheegay in lagu daray Liiska Odayaasha 135 oday ee horay loo ogaa.

Waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu magacaabay oday dhaqameed cusub oo lagu soo daray liiska Oday dhaqameedyada 135 ahaa, taasoo ay la og yihiin xubnaha kale ee Madasha Wada-tashiga Qaran.

“Isbahaeysiga xisbiyada dalka marna ma aqbali doono isbadal lagu sameeyo liiska odoyaasha 135ta ah ee la isku raacsan yahay”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame oo akhrinayay War saxaafadeedka.

Mr Warsame ayaa uga digay Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal iyo heer Gobol inay fara gelin ku sameeyaan Odayaasha dhaqanka ee la aqoonsan yahay.

Odeyga cusub ee liiska lagu soo daray ayaa waxaa soo qortay Farax Abdiqadir, oo saaxiibka koowaad ee Madaxweynaha ah, iyaddoo ay taasi ka careysiisay isbaheysiga xisbiyada siyaasada. Waxaana kursiga ay isku hayaan Fahad Yasiin.

 

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka ka soo baxay Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada.

xisbiga

xisbiga1

20160829_213538 20160829_213509 20160829_213451 20160829_213430

 

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com