25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Madaxweyne Xasan oo farriin u diray ciidanka Jubaland ee Kenya galay, Xamza-na faray…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo war-saxaafadeed ka soo saaray colaadda ka taagan gobolka Gedo ayaa ugu horeyn tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo, isagoo u rajeeyay dhaawacyada in Alle u boogo dhayo oo caafimaad degdeg ah siiyo.

Madaxwaynaha, ayaa sidoo kale faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo gaarsiiso dadka ay saameeyeen xaaladaha ka taagan gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa faray ciidanka Jubbaland ee ka tallaabay xuduudda dalka aan dariska nahay ee Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqijiyay in cidna ciqaab la marin doonin, isla markaana loo ballan qaadayo ciidankaas badqabka iyo nabadgelyadooda.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadaha ka taagan gobolka Gedo in ay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha NISA ee Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, oo dowladda federaalka ay u dirtay gobolkaas, ayaa maanta ku dhawaaqay in maamul cusub ay ka dhisayaan gobolka Gedo, oo haatan ay isku hayaan dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

Cabdirashiid Janan oo ka hadlay kulan maanta lagu qabtay degmada Beledxaawo ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan dhismaha maamulkan cusub, isagoo xusay in shacabka reer Gedo ay si wadajir ah u dhisan doonaan maamulkaas, iyagoo u maraya waddo kasta oo ay ku qanacsan yihiin.

“Waxaan rabnaa inaan ka shaqeyneyno inaad gogol isugu imaataan oo aad  dhisataan maamul aad adinka leedihiin, kuna kalsoon tihiin,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale wuxuu mamnuucay in hub lagu dhex qaato Beledxaawo, wuxuuna tilmaamay in amniga ay sugi doonaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Reer hebel baan ahay oo qori ayaan wadanayaa, inta ayaan joogayaan oo magacbaa la baxayaa ma jiri doonto maanta kadib,” ayuu si adag u yiri Janan.

Hoos ka eeg warka madaxweyne Xasan Sheekh

- Advertisement -

Read more

Local News