Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha NISA ee Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan oo ka hadlay kulan maanta lagu qabtay degmada Beledxaawo ayaa ku dhowaaqay in maamul cusub ay ka dhisayaan Gedo oo haatan ay isku hayaan dowladda iyo Jubaland.
Janan ayaa goob fagaare ah ka sheegay inay ka shaqeynayaan dhismaha maamul cusub, ayna dhigi doonaan gogol, si shacabka reer Gedo u dhistaan maamul ay leeyihiin.
“Waxaan rabnaa inaan ka shaqeyneyno inaad gogol isugu imaataan oo aad dhisataan maamul aad adinka leedihiin, kuna kalsoon tihiin” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay ammaanka gobolka, gaar ahaan Beledxaawo wuxuuna soo saaray amaro culus oo la dul-dhigay shacabka, si looga hortago nabad-gelyo darrada.
Cabdirashiid Janan ayaa mamnuucay in hub lagu dhex qaato Beledxaawo, wuxuuna tilmaamay in amniga ay sugi doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
“Reer hebel baan ahay qoraygaan ayaan wadanayaa inta ayaan joogayaan magacbaa la baxayaa ma jiri doonto maanta kadib” ayuu mar kale yiri Cabdirashiid Xasan Nuur Janan.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Qofkan qori ma wataa dowladnimada Soomaaliya hasoo galo, taas ma nala qabtaan reer Beledxaawo”.
Arrintan waxa ay kusoo aadeysaa, iyada oo haatan ay si buuxdo dowladda ula wareegtay Beledxaawo iyo deegaannada hoos yimaada, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay oo shalay dhacay lagu jabiyay ciidamada Jubaland oo firxaday dhinaca dalka Kenya.

