28 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Kulan xasaasi ah oo u socda guddiyo metalaya Xasan Sheekh iyo mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta ee mucaaradka ayaa haatan shir xasaasi ah wuxuu uga socdaa magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkaan ayaa waxaa looga hadlaya dhammeystirka wada-hadalladii u dhexeeyay Madaxweynaha iyo mucaaradka ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Villa Soomaaliya, kuwaasi oo isku mari waayeen dhinacyadu.

Kulanka hadda socda ayaa waxa uu dhexeeya guddi ka kooban min saddex xubnood oo labada dhinac ah, waxaana dhanka xukuumadda ka socda Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Jaamac, Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin iyo Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Gaani.

Dhanka mucaaradka, waxaa ka socda guddoomiyihii hore baarlamaanka Maxamed Mursal oo ah guddoomiye ku-xigeenka Madasha Samatabixinta, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankan looga hadlayo farsamo ahaan sidii looga heshiin lahaa wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah, gaar ahaan cutubkiisa 4-aad, kaas oo ay weli isku fahmi la’yihiin xubnaha mucaaradka iyo kooxda Villa Somalia.

Kulankan ayaa sidoo kale loogu gogol xaaraya fadhi kale oo berri oo Arbaco u ballansan yihiin labada dhinac, waxaana ujeedka uu yahay in kama dambeyn lagu gaaro natiijo wax ku ool ah, si looga gudbo is qabqabsiga siyaasadeed ee hareeray hannaanka doorashada.

Shirkii u dambeeyay oo dhacay Isniintii lasoo dhaafay ayaa xubnaha mucaaradku wax ay Madaxweynaha ka dalbadeen tanaasul dhab ah oo aan leex leexad laheyn, si ay u guuleystaan wada-hadallada, loona soo gabagabeeyo shirarkooda oo daba dheeraaday.

Dhanka kale, waxaa maanta tallaabo ka careysiisay mucaaradka sii qaaday Madaxweynaha oo isku diiwaan-geliyay doorashada qofka iyo codka ah ee uu weli muranka ka taagan yahay , taas oo iyana mugdi sii gelin karta rajada laga qabo inay guuleystaan wada-hadalada.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana khilaafka taagan qayb ka ah maamullada Puntland iyo Jubaland, iyada oo ay uu sii dheer yahay dagaalka Al-Shabaab oo kasii daray, maadaama kooxda ay haatan dagaallo ka wado gobollada Shabeellooyinka.

- Advertisement -

Read more

Local News