Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta ay ka dhex-tafatay, iyaga oo isku qabtay tallaabadii la xiiirtay doorashada oo uu qaaday Madaxweyne Xasan.
Madaxwenaha ayaa maanta si rasmi ah isugu diwaan-geliyay doorashada qof iyo codka ah ee uu rabo inuu dalka ka qabto, isaga oo shahaadada ka qaatay guddiga doorashooyinka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo saaray ayaa si adag uga falceliyay tallaabada Madaxweynaha, wuxuuna is diiwaangelintiisa ku tilmaamay mid ah “Qof iyo Qori” sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka Gaashaandhigga oo si weyn ugu caan-baxay difaaca xukuumadda uu ka tirsan yahay ayaa tilmaamay in qoray lagu hanjabo lagu yaqiinay kooxda Al-Shabaab, isaga oo intaas ku daray in siyaasiyigii doorta qoray aanu waxba ka duwaneyn hoggaamiye kooxeed.
“Al Shabaab baa qori Dadka ugu hanjaba!?! Codaynta dadkana qori ma bedeli karo, siyaasigii doorta inuu qori qaatana waxba Kama duwanaanayo hogaamiye kooxeed!.” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Si kastaba, tallaabada uu qaaday Madaxweynaha ayaa loo arkaa inuu ku muujinayo taageeradiisa buuxda ee hirgelinta nidaamka doorasho qof iyo cod oo dalka ka dhacda, xilli uu weli ka taagan yahay muran xooggan, maadaama ay tabasho qabaan mucaaradka.
Is-diiwaangelinta Madaxweynaha ayaa kusoo beegantay, xilli weli ay sii socdaan wada-hadallada u dhexeeya isaga iyo mucaaradka, waxaana fadhi kale ay u ballansan yihiin maalinta Arbacada ah ee soo socota, si ay usii amba qaadaan wada-hadalladooda.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo xasaasi ah, waxaana usii dheer dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo haatan si xooggan uga socda gudaha dalka.

