Garoowe (Caasimada Online) – Xaalad cakirnaan ah ayaa ka taagan xeebaha maamulka Puntland kadib markii ay qoyska Madaxweynaha maamulka, Saciid Deni ay ku lug yeesheen soo gelinta maraakiib iyo doonyo jariif ah.
Tan ayaa waxaa si weyn uga cawday kalluumeysatada degmada Xaafuun ee gobolka Bari, oo sheegay in ay dhibaato xooggan kala kulmayaan maraakiibtan oo shati kalluumeysi ka haysta maamulka Saciid Deni.
Maraakiibtaas ayaa la sheegaya in ay wakiil ka yihiin xubno ka tirsan saaxiibada iyo qoyska Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Qaar ka mid ah kalluumeysatada deegaanka ayaa tilmaameen in maraakiibtaas ay ku sugan yihiin goobihii ay ka kalluumeysan jireen, taas oo si weyn u saameysay nolosha dadka deegaanka ee ku tiirsan badda.
Kalluumeysatada ayaa sidoo kale sheegay in maraakiibta ay ilaalinayaan rag hubeysan oo Soomaali ah, isla markaana la rasaaseeyo doonyaha ku dhowaada aagga maraakiibtaas.
“Intaas waxaa dheer, in ka badan 30 shabaq oo aan laheyn ayaa waxaa burburiyay maraakiibta jariifka ah,” ayey yiraahdeen kalluumeysatada maxalliga ah, taas oo ay sheegeen inay sii adkaysay xaaladda nololeed ee kalluumeysatada Xaafuun.
Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa faro ba’an ku haya maraakiib iyo doonyo jariif ah oo gurta kheyraadkeenna, kuwaas oo lacago badan ka qaataan shaqsiyaad mas’uuliyiin ah ama ku dhow hoggaamiyeyaasha dalka.

