Madaxweyne Xasan oo la kulmay safiirada Soomaaliya u fadhiya caalamka xilli laga filayo isbeddel + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka, isagoo ku adkeeyey in ay sida ugu wanaagsan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladaha ay ku shaqeeyaan Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda iyo Jaaliyadaheenna ku dhaqan daafaha caalamka, waxayna xoojiyeen hiigsiga Madaxweynaha ee ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cali Nuur.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo la filayo in madaxweynaha uu isbeddelo ku sameeyo qaar ka mid ah safiirada, islamarkaana soo magacaabo safiiro cusub, sida caadada ka ah siyaasadda Soomaaliya. 

Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiyo dalalka caalamka ee uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intooda badan waxaa la magacaabay xilligii dowladdii hore, ayada oo magacaabiddooda ay aheyd magacaabis siyaasadeed (Political Appointee).

Waxa ay intooda badan ku yimaadeen rabitaanka markaas xilka haya, iyada oo lagu jaangoynayo nidaamka awood qeybsiga 4.5.

Isbeddel kasta ayaa la filayaa inuu dhaco kaliya marka la magacaabo ra’iisul wasaaraha, islamarkaana lasoo dhiso xukuumadda cusub.