29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Xasan Sheekh oo soo saaray amar culus oo ku socda shacabka deggan dhulka….

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay munaasabad ka dhacday xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa soo saaray amar culus la xiriira dhulka danta-guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ayaa si buuxda Booliska Soomaaliyeed ugu amray inay shacabka ka saaraan dhulalka danta-guud, gaar ahaan kuwa dugsiyada ku yaal caasumada, si looga faa’iideysto.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in baahi wayn ay jirto, ayna tahay in laga fakiro mustaqbalka jiilka cusub, si ay u helaan waxbarasho tayo leh iyo goobo u gaar ah.

“Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee halkan jooga waxaan farayaa dugsiga magaalada Muqdisho in laga baxo waa dan-guud walaalaha deggan ee qoys qoys usoo dagay danta caamka ayaa la hagaajin karaa” ayuu yiri Madaxweynah Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ardeyda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay sanad dugsiyeedka cusub ee bilaabmay, wuxuuna u rajeeyay guul wacan.

“Sanad dugsiyeedka cusub ee 2025, 2026 isagana waa hambalyeyneynaa aad iyo aad ayaa u boggaadineynaa tirada ardeyda ee ka qalinjebisay dugsiyada sare” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, waxa uu Madaxweynuhu si adag uga hadlay arrinta jaamacadaha, isaga oo tilmaamay inay jiraan kuwa badan oo aan tayo laheyn, lacagana ka aruursada ardeyda.

Guddiga Tacliinta Sare ee la dhisay ayuu faray inay arrintan il gaar ah u lahaadaan, ayna tallaabo ka qaadaan jaamacadahaasi, si loo helo ardey tayo leh oo waxtarta dalka.

“Jaamacad aan dad fiican soo saari karin ee dadka uun lacagta ka guraneyso ee aan u furneen qiyam in la waayo muwaadin wax waxbartay oo shahaadada uu wataa iyo waxa uu yaqaana ay isku dhigmaan in la helo ayaan rabnaa” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.

- Advertisement -

Read more

Local News