Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow ayaa isaga oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda kala hadlay arrimo ku aadan siyaasadda, iyada oo haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhex aloolsan madaxda sare ee dalka iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka.
Liibaan ayaa uga digay dhammaan ciidamada ku milanka siyaasadda, wuxuuna sheegay in mamnuuc ay tahay in siyaasi ay taageeaan, ayna dhaawaceyso kalsoonida iyo sharafkooda.
“Waxaa si buuxda loo mamnuucay in askartu ku milmaan siyaasadda, Askari kasta oo raba inuu galo siyaasadda, waa inuu marka hore iska bixiyo dharka ciidanka, kuna dhawaaqaa in uusan ka mid ahayn ciidanka, markaas kadib ayuu geli karaa howlaha siyaasadeed ama mucaaradnimo.” ayuu yiri Liibaan Cali Yarow.
Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay ka fogaanshiyaha arrimo siyaasadeed oo wax u dhimi kara, isaga oo faray in ujeedkooda ciidanimo iyo howlgallada ay ku ekaadaan.
Jeneraalka aya sidoo kale ugu baaqay ciidamada inay diiradda saaraan waajibaadkooda qaran ee sugidda amniga dalka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.
Hadalka guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada ayaa ah mid farxad gelinaya xubnaha mucaaradka oo muddooyinkaan ka digayay in ciidamada loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah, maadaama ay is hayaan hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya.
Mucaaradka ayaa sidoo kale indhawaanahaan ku eedeynayay mas’uuliyiinta dowladda inay ciidamada kicinayaan, si ay ugu adeegsadaan ujeedooyin gaar ah, taas oo walaac abuurtay.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyada oo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka oo weli tabasho ka qabaan xubno kamid ah mucaaradka dalka.

