24.7 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Itoobiya oo ciidamadeeda u diyaarisay in ay gaaraan Badda Cas

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa marba marka ka dambeysay sii xoojineysa isku deyga ay ku dooneyso inay ku gaarto biyaha Badda Cas, waxaana ay haatan ay diyaarisay ciidamadeeda, si ay u fuliyaan qorshaheeda gaarka ah.

Taliyaha Kulliyadda Difaaca Itoobiya Jenaral Bulti Tadesse ayaa isaga oo la hadlayay ciidan cusub oo tababar loo soo xiray sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay u gaari lahaayeen Badda Cas, ayna rumeyn doonaan riyada ay ku taamayaan shacabkooda ee gaaridda biyaha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ka mid noqon doonaan awoodaha baratamaya, isla markaana haddii lagu guul-dareysto nabad iyo is faham in lagu gaaro qorshaha socda, ay adeegsan doonaan awoodda aan laga maarmin, sida uu hadalka u dhigay.

Jenaral Bulti Tadesse ayaa sidoo kale farriin culus u diray dadkiisa, wuxuuna ugu baaqay in dhankooda ay is diyaariyaan, si looga miro dhaliyo dadaalka ay ku howlan tahay dowladda.

“Waxa aan diyaar u nahay Maskax iyo nafsad ahaan in aan gaarno Badda Cas, Hannaan diblumaasi, Nabad iyo Is faham waa ujeedkeenna, haddii loo baahdo in aan fulino amarka Dowladdeenna Mustaqbalka iyanna waa halkeeda” ayuu yiri Taliyuhu.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu isna goor sii horreysay jeediyay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo sheegay in ay tahay “arrin waqti uun naga xigo” inta aysan Itoobiya dib ula wareegin gacan ku haynta dekedda Casab ee Eritrea, isagoo sii wadaya dadaalka adag ee maamulkiisu ugu jiro sidii uu u heli lahaa marin badeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu toddobaadkan siiyay warbaahinta dawladda ee EBC, ka hor xarig-ka-jarka Biyo-xidheenka Weyn ee Dib-u-Curashada Itoobiya (GERD), isagoo ku nuuxnuuxsaday in “la gaaray xilligii la saxayay khaladaadkii hore.”

Isagoo fadhiya xeebaha harada weyn ee macmalka ah ee uu sameeyay biyo-xidheenka GERD, oo loogu magac daray ‘Nigat’, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay luminta marinkii dekedda Casab inay ahayd khalad dhacay soddon sano ka hor.

“Badda Cas waxay qayb ka ahayd Itoobiya soddon sano ka hor,” ayuu yidhi. “Khaladku shalay ayuu dhacay, berrina waa la sixi doonaa.” ayuu yiri ABiy Axmed.

Si kastaba ha ahaatee, raadinta marinka badeed ayaa durba xiisad ka dhalisay dalka deriska la ah ee Soomaaliya, halkaas oo heshiis is-afgarad hordhac ah oo lala galay Somaliland sanadkii 2024 uu sababay buuq iyo sawaxan weyn.

- Advertisement -

Read more

Local News