28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Saciid DENI oo lagu eedeyay inuu sameeyay saddex arrin oo halis ah kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan ku nool gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, isla markaana falanqeeya arrimaha gobolka ayaa weerar culus oo dhanka afka ah wuxuu ku qaaday Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni, isaga oo u jeediyay eedeymo waa wayn

Prof. Cabdiwahaab oo wareysi gaar ah siiyay Universal Tv ayaa shaaca ka qaaday in Saciid Deni uu sameeyay saddex arrin oo halis ah, isla markaana qof Soomaali oo xukun haya aanu horay ugu dhiiran, wuxuuna soo bandhigay dhacdooyinkaas iyo waxa ay la xiriiraan.

Waxa uu tilmaamay in Deni uu ogolaaday in dalka Suudaan oo saaxib ah looga dhex duulo dhul Soomaaliyeed, isaga oo carrabka ku dhuftay in xittaa arrintaas aysan ku dhiiran Somaliland oo muddo dheer raadineysa ictiraaf iyo inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.

“Saddex shey oo uu nin siyaasi ah oo Soomaali ah sameynin ayuu Deni sameeyay, kuwaas oo aan horay u dhicin, waxaana hadda ku dhiiraday Deni. Mid waxaa weeyaan waa ninkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo xukun haya ee u ogolaaday dhul Soomaaliyeed inay yimaadaan koox calooshood u shaqeystayaal ah oo laga daabulo oo waddan kale oo Soomaaliya walaal la’ah ama saaxib la’ah la geeyo, taariikhda Soomaaliya ma dhcin, xittaa Somaliland ma ay sameynin” ayuu wareysiga ku yiri Prof C/wahaab Sheekh Cabdisamad.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in la sheegay in dhul Soomaaliyeed uu ku rakibay Raadaar ay leedahay Israel’ oo lagal soconayo dhaq-dhaqaaqa kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Midda saddexaad waxa uu ku eedeeyay inuu fasaxay diyaarad ay dowladda Soomaaliya diiday inay soo gasho dalka, ayna arrintaas dhaawac ku tahay qaranka Soomaaliyeed.

“Sida ay sheegayaan warbaahinta dunida waa ninkii ugu horreeyay ee Raadaar ay leedahay Israel ku rakibay waddan Soomaaliyeed lagu monitor gareynayo xuutiyiinta, waa sida ay qorayaan wabaahinta dunida” ayuu sii raaciyay Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

“Sidoo kale waa ninkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo diyaarad aysan xukuumaddiisa u ogoleyn waddanka u fasaxay inay soo gasho, marka waxyaalaha aan Deni ku haysto waxyaabahaas waayay saddexdaas shey oo aysan ahayn inuu ku dhiirado qof Soomaali ah.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “”Waxaan leeyahay dadka siyaasiyiinta ee hadalkeyga xanafta u yeelay ee ku qarinaayo dhibaatada uu maamulka Puntland ka wado Suudaan taariikhda aya runtii garsoore noo noqon doonta iyada ayaa sheegi doonto in waxa ay sameynayaan ay yihiin wax ka baxsan qiyamka, akhlaaqda iyo sooyaalka Soomaaliya”.

- Advertisement -

Read more

Local News