Madaxweyne XASAN oo wadahadalkii u horreeyey la yeeshay Amiirka QATAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadalkiisii ugu horreeyey, kadib doorashadii uu kusoo baxay 15-kii bishii hore ee May la yeeshay Amiirta dalka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

Labada mas’uul oo ku wadahadlay khadka Taleefoonka ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya, gaar ahaan isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Maxamuud iyo Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan adkeynta xiriirka labada dowladood iyo sidii loo horumarin lahaa, sida ay ay baahisay wakaaladda wararka ee Qatar.

Amiirka ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub ugu hambalyeeyey guusha uu ka gaaray doorashadii Madaxweynaha, isaga oo u ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Dhankiisa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Qatar, isaga oo ugu baaqay inay kala qayb qaadato u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageero Soomaaliya, waxayna 5-tii sano ee lasoo dhaafay ay ku xooganeyd siyaasadda gudaha ee Soomaaliya, iyada oo aad ugu dhoweyd kooxdii Villa Soomaaliya ee ay hoggaaminayeen Maxamed Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Si kastaba, wadahadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan uu socda loolan xooga oo u  dhexeeyo Qatar iyo Imaaraadka, wuxuuna dal kasta doonayaa inuu isku ballaariyo Somalia.