Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaca ka qaaday laba arrin oo ceeb ku ah beeshiisa

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa si adag uga hadlay isbaarooyinka iyo dilalka qabaa’il eek a jira gobolkaas, isagoo eedeyn culus dusha ka saaray beelaha dega gobolkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gobollada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan uusan ku soo arkin wax isbaaro, balse uu ku arkay ama looga sheegay meelo badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Madaxweynaha oo boqolaal dadka deegaanka ah kula hadlay degaanka Nuur-dugle oo dhawaan Al-Shabaab laga xoreeyey ayaa sheegay in ceeb iyo wax aan la aqbali karin ay beesha ku tahay isbaarooyinka iyo kicinta fidnooyinka qabiilka ee ka jira gobolkaas.

“Soomaaliya meel isbaaro taalo gobolkaan ayaa ka jira, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug waan tegay, meel isbaaro taallo oo aan gobolkaan aheyn ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Ceeb iyo kama harto waaye in dadkaan sharafta badan uu sumcad xumeeyo tuug isbaaro dhiganaya. Kuwa jidgooyada dhigta ee dadka safraya furanaya iyo kan inta saqda dhexe qoriga qaata nin maskiin ah soo dila, waa fidno wadayaal, qabiilna ma lahan ee iska dhiciya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ku goodiyey in dowladdiisu ay tallaabo adag ka qaadi doonto waxa ka jira Sh/Dhexe, xilligaas waxaa garab taagnaa madaxweynaha, saraakiisha hoggaamisa maxkamadda ciidamada qalabka sida, waa Xasan Shuute iyo Liibaan Cali Yarow.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda ku sugan degmada Cadale, waxaana lagu wadaa in go’aano adag uu ka qaato dagaal beeleed dad badan lagu laayey oo dhowr jeer ka dhacay duleedka Cadale iyo isbaarooyinka la dhigto gobolkaas, oo qaarkood ay dhigtaan ciidan ka amar qaata saraakiil ka tirsan militeriga dowladda.