Madaxweyne Xasan Sheekh iyo AXMED Madoobe oo isku fahmay dhowr qodob

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Axmed Madoobe oo hoygiisa ku booqday Madaxweynahii hore ee Soomaaliya ayaa kulankan waxaa ay kaga wada hadleen labada masuul Arimaha Doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka ah.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale kala wada hadlay arrimaha ka taagan deegaanada Maamulka Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo iyo faragelinta ay Dowladda Dhexe ka waddo Gobolkaas.

Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii Madasha xisbiyada Qaran ay door muuqdo ugu yeelan laheyd go’aanada ku saabsan doorashooyinka la filayo in dalka laga sameeyo.

Sida ay illo wareedyo la isku haleyn karo u xaqiijiyeen Caasimadda Online, labada Mas’uul ayaa isku fahmay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Kulanka ay qaateen Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yimid kadib War Saxaafadeed kasoo baxay Madasha xisbiyada Qaran oo eedeyn culus loogu jeediyay Madaxtooyadda Soomaaliya.