Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdi Xaashi oo ka wada-hadlay arrin muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa guriga uu ka dagan yahay Muqdisho ku qaabilay guddoomiyaha Gobolka Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la sheegay inuu madaxweynaha ugu tagay Salaan iyo hambalyo.

Madaxweyne Xasan iyo guddoomiye Cabdixaashi ayaa qaatay kulan saacado badan qaatay, iyagoo ka wada-hadlay sidii si wadajir ah loo dardar gelin lahaa howlaha hortabinta leh ee horyaala dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkiisa ku aadan dowlad dhisida Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay in uu dadaal geliyo xalinta mushkiladaha xillugaan kajira Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay 15-kii Bishaan waxaa uu waday kulamo kala duwan si uu u ogolaado waxyaabaha ugu horreeyo ee looga fadhiyo dowladiisa.

Sida qorshaha yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa inuu 22 Bishaan xilka kala wareego madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana socoto qabanqaabada xafladda xil-wareejinta.

Waxyaabaha ugu horreeyo ee madaxweynaha horyaalo ayaa ah magacaabista Ra’isulwasaaraha cusub ee Xukuumadda Soomaaliya si uu isna usoo magacaabo wasiiro, waxayna shaqada Dowladda madaxweyne Xasan Shiikh ku xirnaan doontaa sida ay u shaqeyso xukuumadda iyo Ra’isulwasaaraha uu magacaabi doono.