Xog ku saabsan kulanka Xasan iyo Farmaajo ee Qatar

Dooxa (Caasimada Online) – Magaalada Dooxa ee caasimada waddanka Qatar waxaa Isniintii kulan ku yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa yimid, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku jooga magaalada Dooxa uu gurigiisa ku booqday Farmaajo oo bilihii lasoo dhaafay ku noolaa dalka yar, balse dhaqaalaha hodanka ee Qatar.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada madaxweyne ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Farmaajo dadaallada ay dowladda ay ku bixinayso xoreynta dalka, si meesha looga saaro Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in guullo wax ku ool ah laga gaaray halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan in dalka oo dhan laga saaro kooxda Al-Shabaab.

Dhankiisa Farmaajo oo madasha ka hadlay ayaa madaxweyne Xasan ku boggaadiyay dadaalkiisa ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Waa kulankii ugu horreeyay ee foolka fool ah oo ay yeeshay labada madaxweyne, kadib markii uu Farmaajo baneeyay talada dalka, xilkana uu ku wareejiyay Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa wixii ka dambeeyay 15-kii May ee sanadkii 2022 oo uu dalku ka dhacay isbeddal siyaasadeed noqday dibadjoog, wuxuuna u dhexeeyay Turkiga iyo Qatar.

Si kastaba, kulankan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka, isla-markaana ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, kaas oo laga soo hooyay guullo waa weyn.