Madaxweyne Xasan oo la kulmay wafdi ka socday Midowga Yurub

Mogadishu (Caasimada Online) War saxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyadda Somalia oo nuqul ka mid ah ay heshay shabakadda Caasimada Online ayaa lagu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in uu maanta oo Axad ah la kulmay wafdi ka socda midowga Yurub.

War-saxaafadeedka ay u qornaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Villa Somalia wafdi ka socday Midowga Yurub (EU).

Wafdigaas waxaa hogaaminayay Ambassador Alex Rondos oo ah ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arimmaha Soomaaliya, waxaana ku wehliyay saraakil sar sare oo ka tirsan EU.

Madaxwenyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdigaas ugu warbixiyay safaradiisii ugu danbeeyay kuwaas uu ku sheegay gogol xaar looguna diyaar garoobayay xiriir dhaqaale iyo mid ku aadan xaga amniga iyo hormarinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in hada Soomaaliya ay ka go’an tahay in xiriir wanaagsan ay la yeelato beesha caalamka iyo qaasatan dalalka deriska la ah. Madaxweynaha ayaa ugu mahad celiyay EU, sida wanaagsan ay ula shaqeeyaan dowladda Somaaliya

EU ayaa soo dhaweeyay horumarka hada ka jira Soomaaliya iyo dadaalada ay dowladda ku dooneyso dib usoo celinta, iyo amniga.

– Dhamaad –

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho