Madaxweyne Xasan oo ka degay Dubai + Qorshaha

Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Imaaraadka kaga qeyb galaya Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), oo ka furmaya dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka kusoo bandhigi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa dalba doona in la helo taageero caalami ah oo lagu kabayo qorshaha dowladda Soomaaliya ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El Niño.

Daadadka ka dhashay xaaladda El-nino ayaa aad u saameeyey Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo hantiyeedba oo soo gaartay kumannaan Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Imaaraadka waxa uu kulammo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya.

Xasan Sheekh ayaa madaxda caalamka hordhigi doona dalabka taageero caalami ah loo helo gurmadka degdegga ah oo ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaannada ay ku dhufteen daadadka Roobka.

Madaxweynaha ayaa u sii gudbi doona dalka Mareykanka oo shir kale uu kaga qeyb geli doono, isagoo ku soo laaba doona dalka, isla markaana mar kale hoggaanka u qaba doona dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.