DF oo amar 4 qodob ah dul-dhigtay diyaaradaha ka duula garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Heya’dda Duulista Soomaaliyeed iyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa soo saaray awaamiir adag oo ku socota diyaaradaha ka shaqeeya dalka.

Awaamiirtaan oo ka kooban afar qodob ayaa lagu farayaa shirkadaha inay ilaaliyaan xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee safraya, kana baxaya garoonka Aadan Cadde.

Qodobada la faray inay fuliyaan shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka shaqeeya ayaa kala ah:

1- Waxaa lagu wargelinayaa shirkadaha diyaaradaha in aan rakaab lasoo xarey karin 3-saac ka hor waqtiga ay diyaaradu duuleyso.

2- In shirkadaha diyaaraduhu ay tikitka ku cadeeyaan waqtiga rasmiga ah ee diyaaradu ay ka ceyso.

3- Counterka looma furi doono shirkad aan heysan diyaarad ay ku qaado rakaabka, taas oo ay u dhanyihiin dhammaan shuruudihii looga baahnaa badqabka iyo duulimaadka.

4- Iyadoo la dhowrayo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed shirkadii u hoggaansami weysa qodobada warqadaan ku xusan waxaa laga mamnuuci doonaa inay ka howlgasho garoonka Aadan Cadde.

Go’aanadaan ay baahiyeen hey’adda duulista rayidka iyo maamulka garoonka Aadan Cadde ayaa ogeysiis ka heysta midowga diyaaradaha ka shaqeeya dalka, hey’adaha amniga, sida booliska iyo nabad sugidda iyo wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Hoos ka akhriso