Wararkii ugu dambeeyay Marinka GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa sheegtay inay oggolaatay in xabbad-joojinta Xamaas lagu kordhiyo ugu yaraan hal maalin oo kale, sida ay ciidamada difaaca Israa’iil ku sheegeen qoraal kusoo baxay bartooda X oo hore u aheyd twitter.

“Iyadoo la eegayo dadaalka dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu sii wadayo habka lagu sii daayo dadka la afduubay oo loo hoggaansamayo shuruudaha heshiiska, xabbad-joojintu way sii socon doontaa.” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Bayaanka ayaa soo baxay qiyaastii 15 daqiiqo kahor inta aysan dhammaan xabbad-joojintu.

Israa’iil ayaa la sheegay in ay ku qanci wayday liiska la haystayaasha la sii dayn doono ee ay Xamaas soo jeedisay in la kordhiyo.

Xamaas ayaa sheegtay in Israa’iil ay diiday dalabkii ay ku doonaysay in kusii deyn laheyd 7 haween iyo carruur ah iyo meydadka saddex kale oo ay sheegeen in lagu dilay duqeyn ay Israa’iil geysatay.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 10-ka qof ee gacanteeda ku jira ay yihiin dumarka iyo carruurta kaliya.

Israel iyo Xamaas ayaa Isniinti isla ogolaaday in muddo laba maalin oo dheeraad ah ah lagu kordhiyo heshiiski xabad-joojinta afarta maalin ahaa oo ku ekaa xalay.

Muddo kordhinta heshiiska xabbad-joojinta oo markaas ay ku dhawaaqday dowladda Qatar, ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in la helo xabad joojin dheeraad ah, waxaa kale oo la filayaa in arrintani ay suuragiliso sii deynta dadka ay labada dhinac kala hayaan.

Dhanka Israel, ilaa 11 Israa’iiliyiin ah oo isugu jiray dumar iyo carruur oo ay sii daayeen Xamaas ayaa xalay gaaray Israel.

Tiradaasi ayaa ka dhigtay Israa’iiliyiinta ay sii deysay Xamaas ilaa iyo hadda in ay gaarayaan 51 iyo 19 kale oo isugu jiray muwaadiniin kasoo jeeda dalal kale. Halka Falastiiniyiinta la sii daayay ay yihiin 150.

Maalmaha lagu kordhiyay heshiiska xabbad joojinta ayaa laga raja qabaa in labada dhinac ay is weydaartaan tiro kale oo dad ah. Sidoo kale gargaar bani’aadannimo oo dheeraad ah ayaa la filayaa in la geeyo Marinka Gaza.