Daawo: Cali Jeyte oo ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah shacabka…

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo hadda loo magacaabay hoggaamiyaha Macawiisley ayaa shalay gaaray deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Hiiraan, halkaas oo bulsho badan uu kula hadlay.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in Shabaab ay ku soo laabanayaan dhul ay sanad ka hor ka xoreeyeen, balse hadda ay ku qaadi doonaan dagaal cir iyo dhul ah.

Wuxuu si cad u sheegay in toos loo duqey doono shacabka degan goobaha ay joogaan Al-Shabaab, isagoo dhaar ku maray in aan la kala reebi doonin Shabaab-ka iyo dadka la nool.

“Kuwa dhex degan waa ku dhex duqeynayaa ma qarinayo taas, hadii aan dadkaas ku dhex duqey waayo waxaan ka shaqeeyaa waxa uu Shabaab ka shaqeynayo ee baadilka ah,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Waa markii labaad oo Cali Jeyte uu dirayo digniin tan lamid ah, isagoo u dhaaranaya shacabka ku nool deegaanada ay Shabaab joogaan, wuxuuna amar ku bixiyey in laga guuro deegaan kasta oo kooxdaas ay joogto, maadaama ay yihiin bartilmaameed halis ah.

Sidoo kale Cali Jeyte ayaa ka hadlay warar soo baxay maalmihii lasoo dhaafay oo sheegayey in Shabaab go’doonkii ka qaadeen wadada xiriirisa Beledweyne iyo Buuloburde.

“Markii aan ka xoreynay ayey leeyihiin jidkaas waan furnay oo maxay markii hore u xirteen 15 sano ayey go’doon ku hayeen, hadey wax furayaan maxay intaas ugu dhibayeen shacabka?” Ayuu yiri Cali Jeyte.

Cali Jeyte ayaa sheegay in deegaanada uu maanta tegay ay ka bilaabayaan howlgal culus, “Deegaankiina markaan xoreyno balan managa qaadeysaan in Shabaab uusan ku soo laaba doonin, iska celiya nimankaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Hoos ka daawo