Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga rabo dhismaha wasaarad cusub kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa Jimcihii si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo markaas ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Kadib guushan taariikhiga ah ee Soomaaliya ay gaartay, waxaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud horyaalla xaqiijinta fursadaha iyo sharciyada ururkaan, oo ay si rasmi ah ugu dhaqan-gasho arrintaan.

Inkasta oo shuruudaha qaar ka soo bixidooda ay Soomaaliya ku qaadan karto dhawr sano, haddana waxaa Xasan Sheekh looga fadhiya in uu bilaabo dhismaha wasaarad cusub oo kamid noqoneysa xukuumadda.

Dal kasta oo xubin ka ah ururkaan waa in uu leeyahay wasiir qaabilsan Bariga Afrika, sidaas darteed waa in Soomaaliya dhistaa wasaarad qaabilsan Bariga Afrika.

Sidoo kale, Soomaaliya waa inay sameyso guddiyo qaabilsan ka shaqeynta sharciyadda loo baahan yahay iyo dhameystira qoddobo la xiriira xubinimada shaqeysa.

Shuruucda Soomaaliya wax badan ayaa iska beddeli doona, waa in aan wax badan oo sharciyo ah la wadaagno dalalka Bariga Afrika. Soomaaliya waa inay sharciyo badan la wadaagta dalalka ku jira ururkaan.

Si kastaba, ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa waxaa laga faa’iidi doona arrimo ay kamid yihiin; fursad ganacsi, isku socodka iyo weliba iskaashiga ammaanka, difaaca, tiknoolajiyadda iyo sharciga, kadib marka ay si rasmi ah u shaqeyso xubinimada Soomaaliya.