Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay taliye cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo saaray wareegto ayaa talis cusub ugu magacaabay Ciidanka Badda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya u magacaabay Admiral Cabdi Warsame Cismaan, sida lagu sheegay wareegtada soo baxday.

Wareegtadan ayaa taliyaha cusub lagu faray inuu si deg-deg ah xilka loo magacaabay ula wareego, kadibna uu guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday, uuna dardargeliyo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka dalbaday hay’adaha kale iyo saraakiisha ay quseyso magacaabistaan inay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee Ciidamada Badda Soomaaliya.

Admiral Cabdi Warsame Cismaan ayaa ah nin darajada ciidanka ka gaaray ilaa Sarreeye isla markaana waqti badan ka soo shaqaynayay qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale Cabdi Warsame Cismaan wuxuu horay usoo noqday taliye xigeenka Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya, sida aan xogta ku helnay.

Magacaabistiisa ayaa kusoo aadeysa, xilli ay mar kale Soomaaliya ku soo laabteen kooxaha burcadbadeeda oo weerarkii ugu dambeeyay maanta ku qaaday doon laga leeyahay Iran oo ku suganayd xeebaha bari ee maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan aagga Qandala.

Falkan ayaana noqday kii labaad ee lagula kaco doon kalluumaysi oo Iran ay leedahay, waxayna ahayd laba todobaad kahor markii sidaan oo kale doon loogu afduubtay Puntland.

Waxaa ka dambeeyay oo maalmo kahor lasoo qabgtay 5 nin oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Mareykanka, kuwaas lagu helay afduubka markab ganacsi oo lagu qabsaday meel u dhow xeebaha dalka Yemen, loona maleeyay inay weerkaas gaysteen Xuutiyiinta, balse waxa ay noqdeen Soomaali,sida ay shaacisay wasaarada gaashaandhiga Mareykanka.