Saciid Deni ma is-badbaadin doonaa kahor 8-da Janaayo?

Garoowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu muddo xileedkiisu ku eegyahay 8-da bisha Janaayo ee sanadka soo aadan, xisaabta waa 40 cisho ayaa uga dhiman 5-tii sano ee loo doortay inuu hoggaamiyo maamulka Puntland.

Marka la dul istaago muddo xileedka Saciid Cabdullaahi Deni, ma waxqabad xuma oo waxaa deegaanka yaalla adeegyo lagu amaani karo oo la bilaabay ama la dhameystiray intii lagu jiray muddo xileedkiisa, laakiin dhinaca kale Saciid Deni isdhaawaca siyaasadda ayaa ku badan.

Deni dhowr jeer ayuu siyaasad ahaan isdhaawacay intii lagu jiray muddo xileedkiisa, gaar ahaan ku lug lahaanshaha falal gacan ka hadal siyaasadeed ah, kuwaasi oo sababay geerida dad badan oo aan waxba galabsan.

Dagaalkii Boosaaso ee ka dhashay isbedelkii hoggaanka ciidanka PSF, midkii uu ku qaaday Baarlamaanka ee uu ku bixiyay guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland iyo dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhashay wax ka beddelka dastuurka ayaa dhamaan dhibco ka lumiyay Saciid Deni.

Iyada oo dhamaan dhacdooyinkaas dhaceen, haddana waxaa weli la aaminsan yahay inay Saciid Deni u dhaqan yihiin dhibco waxqabad ah oo u baahan inuu ilaashado oo uu ku galo doorasho wadar ogol ah.

Mucaaradka Puntland waxay wacad ku mareen inay xoog iyo xeeladba Saciid Deni dhaafinayaan deegaanka, haddii uu doorasho qaban waayo 8-da bisha Janaayo.

Haddii ay magaalada Garoowe gacan ka hadal kale aado marka la gaaro 8-da Janaayo waxaa la aaminsan yahay in Saciid Deni uu fuuqsan doono haraaga waxqabadkiisa.

Hoggaamiyahan waxaa lagu eedeeya macan-gagnimo siyaasadeed iyo in uusan waxba ka qaadan tallooyinka hareerihiisa daadsan. Haddii gacanta la iskula tago oo laga adkaado ama ay ku dhamaato sida mucaaradka rabaan Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu noqon doona hoggaamiye xukunka xoog looga qaaday oo dib u gubay wixii uu deegaanka u galay.

Dadka waxay isweydiinayaan waqtiga haray ma ku badbaadsan doona sumcadiisa, waxqabadkiisa iyo fursadiisa dib u doorashada oo weli xooggan.

Madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya badi ma akhriyaan diiwaanka xun ee u yaalla dadka xukunka isku dhajiya ama natiijo xumada ay la hoydeen kuwii qabtay doorashooyin lagu qasbay.

Saciid Deni weli wuxuu leeyahay keyd waxqabad iyo fursad dib u doorasho, waxaase macaashkooda iyo muuq-beelkoodu u dhaxeeya sida uu u garto uguna dhaqmo 40 maalmood ee ka dhiman muddo xileedkiisa.