Madaxweyne Xasan Sheekh oo qoraal kasoo saaray dilka Jeneraal Farxaan Qaroole

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay geerida taliyihii booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo maanta lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyay geerida ku timid taliye Farxaan Qaroole iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalkii saaka ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay xoreeyaan dalka oo ay nolol karaamo leh ugu noolaan lahaayeen dadkoodu ama in ay u shahiidaan iyagoo gudanaya waajibaadkaasi qaran.

Waxa uu sheegay in Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, Alle ha u naxariistee uu lahaa go’aan naf hurnimo, kaasi oo uu ku shaqeeyey maantana u shahiiday.

“Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiidday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Jeneraal Qaroole iyo askartii kale ee la shahiidday maanta Alle uga baryay naxariistiisa Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna sabur iyo iimaan in uu ka siiyo.