Al-Cadaala oo ka jawaabay hadalkii qabyaaladeysnaa ee Faarax Macallin (Dhageyso)

Baxdo (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa u digay dadka isku dayaya inay qabiileeyaan dagaalka socda ee shacabka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Al-Cadaalada ayaa waxa uu ka jawaabay hadal dhowaan kasoo baxay xildhibaan Faarax Macallin oo ka tirsan baarlamanka Kenya, kaas oo uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay hubeynayso qabiilo, waxaana uu sheegay wasiirka inuu diiday yahay kacdoonka dadka ay kaga soo horjeedaan Alshabaab ee ka socda gobollo badan oo dalka ah.

“Runtii waan ka xunahay marka koowaad in qof weyn oo mas’uuliyad sheeganaayo oo isku arko inuu mudda Soomaaliyeed xurmo ku dhex leeyahay inuu dhaleeceeyo oo uu isku dayo, oo ma aragtahy inuu niyad jabiyo dad abaareysan oo isaga oo noloshiisa la tacaalayo cadow argigixiso ah inta ay kusoo duuleen ceelkii biyaha uu ka cabayay ay ka dumiyeen oo ka baabi’iyeen, ninka raba maxaa loo taageerayaa inuu su’aal geliyo darajo walba uu wato iyo magac walba uu wato inuu Khawaarij yahay ayaan u aqoonsan nahay, inuu Al-Shabaab yahay ayaan u aqoonsan nahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Goobjoog ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo dhowr ah, kuwaas oo ku qotoma howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobolka, waxaana uu sidoo kale ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaannada hoostaga degmada Baxdo, oo ay ka jiraan howlgallo ciidanku ay muddooyinkii dambe ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah.

“Runtii wax weyn ayey ku dhordhinaysaa, waad ogtahay guud ahaan hoggaanka xoreynta dalka looga xoreynayo nimanka argigixisada ah hoggaankiisa waxaa iska leh ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhigga, ayaa iska leh, imaatinkooda waxaa uu kusoo kordhinayaa dhiiragelin, waxaa uu kusoo kordhinayaa abaabul iyo xoojinta wax allaala wixii halkaan looga baahan yahay ay fududeeyaan, dhiig cusub ayey ku shubeysaa, howshii socotay ayey dardargelin iyo u tahay kaabid,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta.

Wasiirka ayaa dhanka kale waxaa uu ka hadlay goorta ay kasoo labadan doonaan gobolka isaga iyo xildhibaannada kale ee ku sugan furimaha hore, waxaana uu sheegay in ay caasimadda dib ugu soo laabanayaan markii ay soo gutaan waajibaadka ay u tageen gobolka ayna joogayaan inta la xoreynayo deegaannada ka maqan gacanta dowldda federalka Soomaaliya.

“Halkaan waa aan joogeynaa, shaqada aan u nimid waa inaan dadka halkaan ku nool aan garab istaagno, aan ku garab istaagno in cadowgaas Argigixisadaa ay iska xoreeyaan, inta ay iska xoreynayaan waa aan la joogaynaa, safka hore ayaan kula jiraynaa, waana la soconaynaa, inta ay naftu nagu jirto, inta halkaan nalkaga naahan yahay oo dadkeenna gurmad iyo garab istaag ay u baahan yihiin, waa aan garab taagnaaheynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Al-Cadaala.

Halkaan ka dhageyso waresiga wasiirka