Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlay saameynta dilka Jeneraal Farxaan Qaroole

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa war kasoo saaray geerida taliyihii booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo maanta lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ugu horeyntii ku sheegay in Jeneraal Farxaan Qaroole uu geeriyooday isaga oo koryeelaya sharafta Diinteena iyo karaamada umadda Soomaaliyeed.

“Rabbi ha ka aqbalo shahaadada uu maanta qaatay Gen. Farxaan Maxamuud Aadan, wuxuu shihiidey isaga oo koryeelaaya sharafta Diinteenna iyo karaamada ummaddeenna kuna howllan xorreynta deegaannada katirsan gobolka Shabeellaha dhexe, gaar ahaanna Basra,” ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu xusay inta lagu jiro dagaalka Al-Shabaab looga saarayo dalka ay dhaceyso geerida saraakiil naftood hurayaal ah, isaga oo xusay in dilka Jeneraal Qaroole aysan saameyn ku yeelan doonin howl-galka culus ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Mar haddii aan ku jirno dagaal xaq u dirir ah oo aan Diinta iyo dalka ugu gargaarayno waxaa shaki ku jirin in ay ku shahiidayaan geesiyaal naftooda u huray xoreynta Diintooda iyo dalkooda, laakiin waxaan hubaa in ay Alle agtiisa boos fiican ka heli doonaan Inshallah.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Marna kuma niyad jabayno in aan wayno halyeey iyo laba u diyaar ahaa inay naftooda waayaan ee waxaan ka qaadeynaa dhiiranaan iyo in aan kusii taagnaano waddada xaqa ah.”

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntii ciidamadda ku dhiira-galiyay inay sii wadaan gulufka ku foorara argagixisada Al-Shabaab, oo toddobaadyadii u dambeeyay laga gaaray guulo waaweyn.

Allaha unaxariiste Farxaan Qaroole ayaa ku dhintay qarax oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Basra oo lagu magacaabo Laba-buundaale oo ah barta ugu dambeysa ee ciidan marka laga baxo degmada Balcad oo loo socdo dhinaca