Xasan Sheekh oo u ambabaxay Japan

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoona ku sii jeeda magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Yariisow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah uu ka helay  ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Japan in ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo fulin lahaa ballanqaadyadii shirkii Yakohama ee sanadkii hore.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in ay wadaan qorshihii dib u dhiska dalka iyo mashaariicda muhiimka u ah dalka si dowladda Japan ay u hirgeliso mashaariicdaas.

Japan waxa ay ka mid tahay waddamada taageera dowladda Soomaaliya, waxaana dhowr jeer ay booliska Soomaaliya ay ku deeqeyn gaadid iyo hub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com