Haweeneydii ahayd xisaabiyaha guud ee DF Somalia oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa maanta duhurkii waxa ay degmada Wadajir ee magaalada Muqidsho ku toogteen gabar xisaabiyo guud ka ahayd mid ka mid ah hey’addaha dowladda.

Sidda ay lee yihiin dad goobjoogayaal gabadha ayaa lagu dilay meel aan ka fogayn gurrigooda oo ku yaala Degmada Wadajir, waxaana la dilay xilli ay ku sii jeeday goob ay ka shaqeeneysay..

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Xafsa Cabdinuur Maxamed, waxaana toogtay rag ku hubeysnaa bastoolado, waxaana markii ay dileen ay ka baxsadeen goobta.

Si dhab ah loomaga ogga cidda dishay gabadhan oo siddoo kale dhigan jirtay mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho ku yaalla, sidda u sheegay aabaheed Cabdinuur Maxamed.

Ma ahan markii ugu horreysay oo caasimada Muqdisho lagu dilo haween u shaqeeya dowladda,mana jirto cid loo soo qabto dadka dila howlwadeenada Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com