Madaxweyne XASAN Sheekh oo xaqiijiyay inuu taageero militari ka dalbaday 3 dal

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay taageero militari ka dalbadatay dowladdaha Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

Dalalkan ayaa kaalin weyn ka qaadan doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, ayada oo wejigii hore ee dagaalka ay natiijo wax ku ool ka gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay wargeyska Financial Times ayaa tilmaamay “in saddex waddan oo laftooda la kulmay weerarrada Al-Shabaab ay ka heli doonaan ciidamo iyo karti dheeraad ah” marka loo eego wejigii hore ee howl-galka Al-Shabaab ka dhanka ah.

Ciidamo ka socda Ethiopia ayaa soo gaaray dalka, halka ay dhawaan iman doonaan ciidan ka socda Jabuuti iyo Kenya, kuwaasi oo ka madax-banaan howl-galka ATMIS, islamarkaana ka qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay maalmihii ugu dambeysay abaabul iyo diyaargarow ciidan laga soo sheegayay gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, ayada oo gaba-gabo uu yahay wejiga koowaad ee dagaalka.

Wejigii hore ee hawl-galka ayaa Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

Ciidamada dowladda oo garab ka helayay kuwa qabaa’iilada ee deegaanka, ayaa ku guuleystay in 15 sano kadib ay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaano ay maamulayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska.