Sawirro: Weerar qaraxyo loo adeegsaday oo lagu qaaday xarun ku taalla Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Weerarka ayaa waxaa qaaday rag hubeysan oo aan heybtooda la garan, kuwaas oo dhowr bam-gacmeed ku tuuray dhismaha goob laga dukaameysto oo lagu magacaabo Al-Macruuf Supermarket.

Ilo wareeedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in marka hore kooxda weerarka fulisay ay toogasho ku dileen waardiyihii ku sugnaa xarunta, kadibna ay qarxiyeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyada kadib uu dab qabsaday Al-Macruuf Supermarket, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh, waxaana goobta gaaray gaadiidka dab damiska.

Weerarkan ayaa sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawac intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo ku neef qabatoobay dabka qabsaday xarunta oo baabi’iyay hantidii taallay dhismaha la weeraray.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo noqonaya kii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee lagu qaado xarun ganacsi oo dalka ku taala magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Dhanka kale duqa Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo ka hadlay weerarkan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, wuxuuna sheegay in ay wadaan baaris ku aadam dhacdadaasi.

Al-Macruuf Supermarket ayaa ah xarun ganacsi oo weyn, isla-markaana ah mid casri ah, waana goobtii uu ka dukaameystay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 12-kii bishii January ee 2018-kii, markaas oo uu booqday Boosaaso.