Imaam Masjid oo lagu dilay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay kooxo burcad ah ka geysteen qaybo kamid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabay Cabdi Cubeyd oo aha Imaam Masjid, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa waxaa dilay koox burcad ah oo sidoo kale ka dhacay taleefan, wuxuuna Cabdi imaam ka ahaa Masjid uu waqfay Aabihiis Cubeyd.

Ragga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana gaaray goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wad hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaas iyo howlgalka xigay ee la sameeyay.

Laba todobaad kahor ayay aheyd markii dil kan lamid ah degmadaas loogu geystay wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Mowliid, kaas oo ay isna dileen kooxo burcad ah.

Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka ugu badan ee ay ka dhacaan falalka ammaam darri, waxaana dhibaatada ugu badan ka geysta kooxo burcad iyo ciyaal-weero.

Si kastaba, dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii lasoo dhaafay.