Daawo: Madaale oo sheegay qorshe cusub oo Al-Shabaab ay ka billaabeen Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna quqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kadib markii jugta qaraxyo xoogan laga maqlay caasimadda, kuwaas oo ay booliska ku tilmaameen inay ahaayeen kuwo dheemish ah.

Jugta ayaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, sida Wadajir, Hodan. Waaberi Xamarweyne iyo Warta Nabadda.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab markii ay ku fashilmeen weeraradii tooska ahaa ay bilaabeen qarxinta baco dheemish ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka laga lahaa qaraxyadan ay tahay in lagu qalqal-geliyo shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdsho.

“Hadda inta aan fadhinay halkan dhowr meel ayay wax ka dhac dhaceen marka bacyaal inta ay wax kasoo buuxiyaan ayay dadka ku argagixinayaan,” ayuu yiri gudduumiyuhu.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab, si meel looga soo wada jeesto, loogana hortago weerarada ay ka fuliyaan gudaha caasimada.

“Waa inaan xoogeynaa isugu geyno sidii aan magaaladaani kuwa kusoo dhex dhuuntay ee mushkilada ku dhex wado aan isaga qaban laheyn,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si adag uga hadlay dhibaatada ay ciyaal weerada ku hayaan shacabka magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in lasoo abaabulay.

“Ciyaal weerada inta aysan nagu ag korin oo sidii Shabaab dhowr iyo 10 sanno kadib aanu ku baraarugin inaan hadda iska qabano, maxaa yeelay waa abaabulan yihiin gadaal ayaana laga taagan yahay, marka waa inaan ka daba tegnaa,” ayuu markale yiru Yuusuf Madaale.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobolka Banaadir ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo, dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah.