Madaxweyne Xasan oo xilka ka qaaday Maxamed Qoone

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday La-taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar walba wuxuu ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan.

Dabayaaqadii 2022-ka ayey ahayd markii madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) inuu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada.

Qoone ayaa horey u ahaan jirey Xildhibaan, waxaana uu ka soo galay baarlamaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay magacaabay la-taliyeyaal badan, oo mararka qaarkood lagu wareerayo waxa ay qabtaan, balse dadka ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha.