Madaxweyne Xasan Sheekh: Qoomkii is-quursadaa, qoom kale ayuu qoryaha u guraa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey munaasabada ciidul-fidriga ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa xoog iyo sharaf leh, islamarkaana ah 100% dad Muslim ah, balse wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in aysan Soomaalidu is-liidin, si aysan uga dhex faa’iideysan dad kale oo leh dano gaar ah.

“Qoom fiican, xoog leh, sharaf leh, musliim ah oo soomaaliya ah, oo karaamo leh aya nahay qoom kale oo naga liilato yaanan qoryaha u gurin, Qoomkii  Isquursadaa, Qoom Kale Ayuu Qoryaha u Guraa.” ayuu yiri Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay tahay dal leh kheyraad badan, balse lagu heshiin la’yahay sidii looga faa’iideysan lahaa iyo siyaasadii lagu maamuli lahaa.

“Beryahan siyaasadda waa tii laga qeyliany ee waxaan leeyahay, dalkan kheyraad naguma yara, nimca ilaahey siieyey naguma yara, meel ilaah dad ku abuuro, meelaha ugu fiican ayaan joognaa, ku abuuranahay, hal cilad ayaan leenahay, waan tashan la’nahay, siyaasaddana waan ka heshiin la’nahay, wax waa isu ogolaan la’nahay, waa isu dhimrin la’nahay, waa isaqbali la’nahay.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay is-dhageysiga iyo is-qadarinta, si ay horey uga sii dhaqaaqdo meesha ay hadda joogto Soomaaliya

“Soomaaliyey aan isaqbalno, aan isdhageynasno, aan is qadarinno, kii waaya arag kii aan waayo arag aheyn ka weydiiyo…, nin walbo meesha uu ku fiican yahay aan ku ixtiraamno, uga dambeyno, oo aan dhageysanno.” ayuu hadalka ku soo gabagabeeyey Xasan Sheekh.