Sheekh Shariif oo shaaciyey in la iibsaday qalabkii loogu talo-galay CORONAVIRUS

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wal-wal ka muujiyey, sida loo maamulayo qalabka loogu tala-galay ka hortagga Covid-19 ee loogu deeqay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in qalabkaasi aan loo adeegsan, sidii loogu tala-galay, islamarkaana lagu arkayo suuqyada, iyada oo la iibinayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan la soconaa in qalab badan oo dowlado kala duwan ay keeneen waxaa muuqata in aan loo adeegsan sidii loogu talagalay, waxaa kale oo naloo sheegay in suuqa lagu arkay, arrimahaas ma fiicno, amaanada in sida loo keenay loo guto ayaa la rabaa.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday isbitaalka Martiini oo lagu daaweeyo dadka uu soo rito cudurka safmarka ah ee Corona, wuxuuna tilmaamay in dad badan ay daryeel xumu ugu geeriyoodeen isbitaalkaas oo uu xusay in xaaladdiisu ay liidato.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la’is kaashado, islamarkaana meel looga soo wada-jeeso dagaalka lagula jiro Covid-19.

“Waxa aan la soconaa Isbitaalka Martiini in dad badan xannaano xumo ugu dhinteen, xaaladdiisu aad u liitado, mas’uuliyad in aynu isi-saarno ayaa loo baahan yahay, dadkii wax usoo bartay in ay maalin waliba ka fikiraan dhaqaale waa ceyb”. ayuu markale yiri.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay xabsiga dhigtay agaasimayaal waaxeedyo iyo kuwa guud oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ku kaceen fala xiriira musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.