“Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka hiiliyey laba ka mid ah beelaha magaalada MUQDISHO”

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha qaar ayaa aad u dhaliilsan Siyaasada Madaxweyne Xasan uu ku hagaayo dalka Somalia, iyadoona qaarkood ay qabaan in Madaxweynuhu uu u kala eexanaayo Beelaha qaar.

Salaad Cusmaan ”Salaad dheere” oo kamid ah Odayaasha Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan ay ka tabanayaan qaladaad dhowr ah, waxa uuna sheegay in si aan ganbasho laheyn uu ugu tuntay xuquuqdii ay ku lahaayen dalka.

”Adeer Xassan sheekh waa nin naga dhashay waana nin u wada siman beelaha Soomaaliyeed, maha inuu beeshayada ku tunto isagoo qancinaayo beelaha kale, waxaan u sheegeynaa inaan caloosheena aysan u fiyoobeen”

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan kaliya uu ka hiiliyay laba beel oo wada dega Magaalada Muqdisho, halka beelaha kale uu ugu abaalmariyay Gobolo iyo Dowlad goboleedyo.

Salaad Cusmaan ”Salaad dheere” ma uusan cadeyn labada beel ee ka tirsan beelaha Hawiye ee ku qadsan Magaalada Muqdisho, waxa uuna si dadban carabka ugu dhuftay in Madaxweyne Xassan uu culeyskii ugu badnaa saaray Beelaha Hawiye.

Geesta kale, waxa uu Madaxweyne Xassan ugu baaqay inuu ka feejignaado duulaanka kaga imaankara Odayaasha Beelaha Hawiye isagoona tilmaamay in xiligaani ay dhaliilsan yihiin hanaanka ay DF Somalia dalka u hogaamineyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdiaho
Caasimada@live.com