Dhageyso: “Wax laga xishoodo oo yaab leh ayay ahayd in Xasan Sheekh uu sidaas sammeeyo”…

Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasi Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubba ayaa si kulul u dhaliilay siyaasadda madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadan goballada Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay in madaxweynahah uu dhibaato ka wado goballada Jubba isla markaana uu iska horkeenayo beelaha Jubba.

Wuxuu sheegay in qaab qaldan uu u aqoonsaday baarlamaan aan sharci ahayn oo ay sameysatay koox gaar ah oo Kismaayo ku qabsatay xoog sida uu warka u yiri siyaasiga.

“Wax lala yaabo oo laga xishoodo ayay ahayd in Xasan Sheekh uu sidaas sameeyo, oo uu Kismaayo tago, islamarkaana aqoonsado baarlamanka Axmed Madoobe” ayuu yiri

Siyaasi Maxamuud Sayid ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta gobalka Mudug oo uu sheegay in Xasan Sheekh uu marna dhahayo Mudug waa la kala qeybinayaa marna lama kala qeybinayo.

Halkan ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com