XOG: Kullanka Shariif Xasan iyo Wasiir Odowaa!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa wado qorshe uu ku dhameystirayo maamulkiisa ee shaqeynaya muddo, kadib markii uu kusoo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxaa socdo qorshe Shariif Xasan uu ku dhismayo xubnaha baarlamaanka maamulkaasi, kaasi oo qaban qaabada dhismaha baarlamaanka maamulkaasi ay ka socoto deegaanada maamulkiisa ka taliyo iyo magaalada Muqdisho.

Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo wasiirka arimaha gudaha dowlada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen ay yeelan doonaan kulamo looga hadlayo dhismaha baarlamaankaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiir Odawaa uu tagi doono magaalada Baydhabo laakiin lama hubo, halka wararka qaar ay sheegayaan iney ku kulmi doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dhismaha baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ayaa ah qeybta kaliya ee ka harsan dhameystirka maamulka uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan ee Koofur Galbeed.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dooneyso in ka hor inta uusan dhamaan sanadka 2015 dalka laga hirgiliyo nidaamka federaalka oo dowlada Soomaaliya ay qaadatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com