Qarax saakay lagu waabariistay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo Isgooyska Debka ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in loo adeegsaday Bam la dhigay sandaqada ay ku hoos nastaan Ciidamada oo yaala Isgooyska, waxaana Qaraxaasi ka dhashay dhaawac.

Goobta la dhigay ayaa waxaa inta badan ay fariisin u tahay Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia, balse waxaa halkaasi xiliga uu qaraxa dhacaayay ka maqnaa Ciidamada.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo midu yahay Askari ayaa ku dhaawacmay, kuwaasi oo durbadiiba loola cararay goobaha caafimaadka ee ku dhow dhow isgooyska.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada Dowlada oo halkaasi ka sameeyay baaritaano aan cidi lagu qaban.

Seddex maalin ka hor ayay aheyd goortii halkaasi lasoo dhigay Bam nooca gaadiidka loo adeegsado taasi oo markii dambe ay meesha ka qaaden Ciidamada ka hortaga qaraxyada.

Xaalada ayaa ah mid degan waxaana halkaasi booqday Taliyaha Cusub ee Ciidamada Boliska iyo Saraakiil ka tirsan Boliska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com